Somalia Translation

Rise Inc. waxa ka go’an in ay bulshada ka caawiso shaqada, guryaha iyo in ay isku

fillaasho gaadhan dadka laxaadkala ama dhibaatooyin ka haystaan xaga shaqada

marka lagu daro kuwa qaxootiga ah iyo ajanabiga wadankan ku cusub. Ilaa 1971, Rise

Iyo shaqooyinkeedu waxay caawiyeen in ka badan 15, 000 oo qof oo ku nool in ka

badan labaatan(20) degmo oo Minisooto ka kooban tahay. Waxaana kale oon ka

caawinaa xirfadaha shaqada boqolaal shirkadood oo Minisooto ah xaga shaqo

geynta, heshiiska shaqaalaha, wax saarka shaqooyinka. Waxaad ka heli kartaa

wixii faahfaahin ah webka Rise.